Saturday, May 16, 2026
27.3 C
Mogadishu

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka soo horjeestay guddiga uu soo magacaabay R/wasaare Rooble

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ka soo horjeestay guddiga uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u Magacaabay Arrimaha la xiriira doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland.

War qoraal uu soo saaray guddoomiyaha Aqalka Sare oo la ogeeysiiyay Madaxda wadatashiga doorashooyinka, Xubnaha Musharixiinta Baarlamaanka iyo Xilka Madaxweynaha iyo Beesha Caalamka ayuu uga soo horjeestay Guddigaas.

Guddoomiye Xaashi ayaa waxaa uu sheegay in aan laga warqabin wax talo ahna ku laheyn inta badan Siyaasiyiinta, Oday dhaqameedyada & Beelaha kala duwan ee Gobolada Waqooyi Xubnaha guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee uu xalay Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale, qoraalka guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiskii doorashada oo ay gaareen Madaxda Soomaaliya uu ahaa in ay Xubnaha guddiga maamulaya doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee gobolada waqooyi inay soo gudbistaan Siyaasiyiinta dir Waqooyi, balse labadaba ay xuleen Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha.

“ Hadaba waxaan Golaha wadatashiga, daneeyayaasha Siyaasada iyo Beesha Caalamkaba u sheegeeneynaa in Madaxda talada heysa ay bedeleen dhaqankii Siyaasadeed ee lagu wada joogay, waxna lagu qeybsan jiray, isla markaana markii xiligaan oo kale la joogo lagu soo xuli jiray Guddiyada maamulaya doorashooyinka oo la rabay inay noqdaan kuwo dhex u ah daneeyayaasha Siyaasadda oo dhinac gaar ah soo xulan ayaa lagu yiri” Qoraalka guddoomiye Cabdi xaashi.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in aan dhex dhexaad aheyn laguna kalsoonana karin Xubnaha loo xulay guddiyada doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi & kuwa Heer Federaal oo ay soo magacaawday Xukuumadda Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in laga soo xulay, Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Ciidamada NISA.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ayaa ku baaqay in arrintaan la soo farageliyo dibna loogu soo celiyo talada iyo xulashada guddiyada doorashada Gobolada Waqooyi loona sameeyo maamul & nidaam ka madax banana faragelin siyaasadeed iyo mid Amni.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...