Tuesday, June 2, 2026
28 C
Mogadishu

Maxaa ka jira in ciidamada dowladda Somaliya ay maanta is-hortaag ku sameeyeen Xildhibaano?

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaliya ayaa Axaddii maanta is hortaag ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Prof. Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda, ay maanta is hortaag ku sameeyeen wadada ka baxda Isgoyska KM4 ee aadda Garoonka Aadan Cadde, xilli ay shir ku lahaayen Garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa waxaa uu sheegay inay markaasi hawlo shaqo ugu socdeen Garoonka Aadan Cadde, balse ay Ciidamada Dowladda ku amrayn inay ilaalada iska reebeen, iyaguna ay socodkooda sii wataan, taasoo uu sheegay inay u cuntami weyday.

Waxaa uu tilmaamay in wadada lagu xanibay ay tahay mid isgoys ah, oo wadooyin badana ay ka baxaan, sida midda aadda Degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley (Madiina).

“In nala yiri Isgoyska Nambar Afar ee bajaajyada, baabuurta iyo cid weliba ay meeshaas is dhexmareysay ciidankiinii meesha ku reeba, oo anagoo ciidan tiro badan aanaan wadan, intii kalena ee nala midka ahayna sidaa ay qaarkood la kulmeen. Haddaan weydiinayna ay noo dhaafi waayeen ciiankii, amar nala siiyay waaye, ayagoona na aqoonsaday inaan Xildhibaano nahay.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Mar uu la hadlayay Idaacadda Risaala ayuu yiri “Haddii ay xitaa Xildhibaanada u sii socdaan xaafadahooda ee Madiino iyo horey sii jiro, ninka Xildhibaanka ah ma Nambar Afar ayaa looga reebayaa ciidankiisa?”

Xildhibaan Dalxa waxa uu iftiimiyay in ay ku jahwareereen cidda bixisay amarkan cusub, ee caqabadda ku ah amniga Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

“Waa arrin anaga na qancin weysay, sida uu ujeedkoodu yahay iyo amarkan meeshuu ka yimid ayaan ku wareernay.” Ayuu yiri Mudanaha Golaha Shacabka ka tirsan.

Xildhibaan Dalxa ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ugu baaqay in uu wax ka qabto awaamiirtan, ay ciidamadu sheegeen inuu yahay mid la faray inay u hoggaansamaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...