Thursday, July 16, 2026
25.2 C
Mogadishu

Marwada Koowaad ee dalka oo ugu hambalyeysay Haweenka Soomaaliyeed 8-da Maarso +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo maanta ka qeyb gashay munaasabadda xuska maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso ayaa bogaadin, duco iyo mahadcelin u jeedisay haweenka Soomaaliyeed ee sooyaalka dalkeenna kaga jira baal dahab ah.

Marwada ayaa xustay qaar ka mid ah haldoorka Haweenka Soomaaliyeed oo tusaale muuqda u ah kaalinta haweenka ee dib u dhiska iyo samata bixinta dalka, iyada oo guud ahaan haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay maalintan caalamiga ah ee loo asteeyey u qareemidda xuquuqdooda.

“Halgankii gobonnimo doonka waxaa jiray hooyooyin lafdhabar u ahaa oo aan ka xusi karo Xaawo Cusmaan Taako iyo Timiro Cukaash. Waxaa jira kuwa haatan ah tusaale nool oo aan ku faani karno dadaalkooda iyo kaalinta ay ka gaysteen dhismaha Cusbitaallo, xarummo daryeel, ilaalinta deegaanka iyo ka qeyb galka nabad dhisidda”.

Marwada Koowaad ee dalka ayaa dul-istaagtay duruufaha iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee soo wajaha dalkeenna iyo saameynta gaarka ah ee ay ku yeeshaan haweenka iyo dhalllaanka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu dambeysay fatahaadihii Gobollada Hiiraan, Bay iyo Gedo. Marwada ayaa ku baaqday in la xoojiyo isku tashiga, is-garab istaagga iyo midnimada haweenka Soomaaliyeed oo aasaas u ah xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran.

“Aniga oo kaashaanaya gabdhaha Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika iyo culumadeena sharafta leh waxaan u istaagnay in aan gacan ka geysanno dadkii dhibaatooyinku ay ka soo gaareen fatahaadaha, waxaana laba magaalo oo aan tagnay Eebe nagu guuleeyay in aan uruurinno lacag gaareysa dhawr boqol oo kun oo Doollar oo si toos ah loogu wareejiyay guddiyadii hawshaas waday.”

Inta ay socotay munaasabaddu, Marwada Koowaad ee dalka ayaa Shahaado Sharaf guddoonsiisay qaar ka mid ah haldoorka haweenka Soomaaliyeed ee dadaalka xooggan ku bixiya ilaalinta xuquuqda haweenka, midnimada, nabadda, daryeelka carruurta iyo kobcinta aqoonta gabdhaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...