Thursday, June 18, 2026
25.7 C
Mogadishu

Maxaa ka jira in Al-Shabaab ay joojisay dhismihii madaxtooyada maamulka HirShabelle iyo xarunta baarlamaanka?

Jowhar (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in hakad uu ku yimid qorshihii la damacsanaa in lagu dhiso Madaxtooyada Hirshabelle iyo Xarunta Baarlamaanka Maamulka, ka dib amar ka soo baxay maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Shirkadda qandaraaska la siiyay iyo shaqaalihii dhismooyinkasi dhisi lahaa ayaa helay farriimo kaga yimid Shabaabka, oo ku aadanaa inay dhismooyinkaasi joojiyan, haddii kalena ay dhibaateen doonaan.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa 15-kii bishii October ee sanadkii 2018 dhagax dhigay Madaxtooyada, Xarunta Baarlamaanka iyo midda Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Hirshabelle, Xildhibaan Mukhtaar Xasan Tuure ayaaba qiray hakadka ku yimid dhismooyinkaasi.

“Taas iskaba dhaaf waa dowladee, guryihii aan anaga lahayn ayaa Shabaab ka dhisan weynay, oo waad ogtihiin Banaadiraa joogtiin, Banaadirta aad haddeer igala hadleyso meel kasta oo ayaga jooggaan ayaa garsoor looga doontaa.” Ayuu yiri guddoomiyaha.

Gudoomiyaha oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa yiri “Waxaad moogtahay majiraan, dalkan Ilaahay masiibada hayso haka qaado, qof lagu eedaayo haba yaraatee majirto, waa wax rabbaani ah. Marka umaddaan waxay u baahan tahay inay inta iskaashadaan garabka iska qabsadaan, wayna imaan doontaa maalinteeda Insha’Allah.”

Guddoomiyaha ayaa xusay in Hirshabelle ay u nugushay hujuumka mintidiinta Al Shabaab, amnigana cidda la doonayo inay wax ka qabato tahay Dowladda Federaalka.

“Waa laga dhisi la’yahay waa sax, Baarlamaankiiyaa la dhagax dhigay, Xukuumadiiyaa la dhagax dhigay, Degmadiiyaa la dhagax dhigay, Gole Deegaanaa la rabay, waxaa laga dhaqaajin la’yahay waxaa waaye amni-darro. Meel ay wax noo soo maraan majiraan, anaga diyaaradaa ku aadnaa Xamar, diyaarado ayaana uga imaanaa. Waad ogtahay Balcad iyo Jowhar dhulka u dhaxeeya in aan la mari karin. Dowladda Dhexe ayaana amniga shaqo ku leh, Maamul Goboleedyada wixii amni iyo militari shaqo kuma lahan.” Ayuu yiri Xildhibaan Mukhtaar Xasan Tuure, Gudoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Hirshabelle,

Maamulka Hirshabelle ayaan illaa iyo hadda lahayn Madaxtooyo uu ku shaqeeyo iyo xarun baarlamaan, waxayna si ku meel gaar ahi ugu shaqeeyan dhismooyin looga kireeyay Magaalada Jowhar.

Awaamiirta Shabaabka ayaa waxaa la tilmaamaa inay si hufan uga dhaqangalaan deegaanada ay ka arrimiso Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyadaba.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...