Thursday, June 18, 2026
26.5 C
Mogadishu

Kenya oo markale ka jawaabtay eedeynta uga timid dowladda Soomaaliya (Maxa cusub?)

Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa markale ka Jawaabtay eedeyn Khamiistii lasoo dhaafay dowladda Federaalka Soomaaliya u jeedisay, taasi oo aheyd in Kenya ay faragelin cad ka wado xuduudka labada dal ay wadaagan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in aysan waxba ka jirin eedii uga timid dowladda Soomaaliya ee la xariirtay in faragelin ay ku wado Siyaasadda Arrimaha gudaha dalka iyo xuduudka labada dal.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegtay inay Cabasho ka yihiin qoraal uu Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay u gudbiyay Golaha Ammaanka, kaasi oo lagu sheegay in Kenya ay faragelin ku wado Somalia, waxaana sidaas qoray  Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi oo tilmaamay inuu arkay qoraalka kasoo baxay Kenya.

Soomaaliya ayaa eedeyntii Kenya ay u jeedisay waxa ay aheyd faragelin toos ah inay ku hayso Siyaasadda Soomaaliya iyo sidoo kale xuduudaha Soomaaliya.

Inkastoo Kenya iyo Soomaaliya ay yihiin laba dal oo jaar ah, haddana Kenya inta badan waxa ay faragelin muuqata ku sameysa Siyaasadda Soomaaliya, waana midda keentay cabashada dowladda ka soo yeertay.

Kenya waxaa ka jooga Soomaaliya Ciidamo ku hawlgala magaca Amisom, waxaana ay ka shaqeeyaan Jubbooyinka iyo Gedo, balse faragelin kale oo Siyaasi ah ayeey Soomaaliya ka gaysataa Kenya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...