Thursday, June 18, 2026
25.7 C
Mogadishu

Faah-faahin ku saabsan dagaalka culus ee ka dhacay degmada BeledXaawo +(SAWIRRO)

Belexaawo (Halqaran.com) – Waxaa degan xaaladda xuduuda Degmada BeledXaawo la wadaagto Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ka dib dagaal culus oo maanta ku dhex maray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Jabbuland, ee uu horkacayo Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).

Dagaalka oo ahaa mid hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday ayaa si weyn u saameeyay shacabka labada degmo, iyadoona labada dhinacna uu midba midka kale ku eedeeyay dagaalka.

Suxufiyiinta ayaa ku soo warramaya in dagaalka uu is iskiis ah u joogsaday, xilli aanay jirin cid labada dhinac soo kala dhexgashay, inkastoo ay jireen baaqyo nabadeed oo waxgaradka deegaanka ka soo yeerayay.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Booliska Soomaaliya oo gacan ka helaya tro ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la soo sheegaya in ay ka gudbeen barrihii ay ka dagaalamayeen Ciidanka Jubbaland, ayna ku riixeen oo ay gudaha u geliyeen Degmada Mandhera.

Ciidamada Dowladda ayaa intii uu dagaalku socday waxay aagga Mandhera ku gubeen mid ka mid ah gaadiidka ay leeyihiin Ciidamada Kenya, taa oo muujinaysa sida ay Kenya ugu lug leedahay dagaalka.

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay si weyn isaga caabiyeen dhinacyadii kale, haataana ay ciidamadu ku sugan yihiin xuduuda kala qaybisa labada dal.

Cismaan Nuur Xaaji ayaa qiray in uu jiro khasaaro dagaalka ka soo kala gaaray labada dhinacba, balse wax faah faahin intaasi dheer kama aanu bixin.

Wararka ayaa sheegaya in intii uu dagaalku socday ay madaafiic is weydaarsadeen labada dhinac, waxaana jiray tiro madaafiic ah oo gudaha ugu soo dhacay Degmada BeledXaawo, kuwaa oo sababay khasaaro naf iyo maalba leh.

Madaafiic ku soo dhacday gudaha Degmada BeledXaawo ayaa ku habsaday dhismooyin ku yaala degmadaasi. Barraha bulshada ayaa la soo dhigay muuqaalo muujinayo guryo gubanaya.

Isbitaalka Degmada BeledXaawo ayaa la dhigay tiro dhaawacyo ah oo isugu jira Ciidamada Dowladda iyo dad rayid ah, iyadoo ay xaaladoodu ka soo reynayso.

Sidoo kale qaar ka mid ah askarta Jubbaland iyo dad rayid ah ayaa sidoo kale la seexiyay Isbitaalka Degmada Mandhera, ka dib waxyeelo ka soo gaartay dagaalka.

Dagaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu xooganaa oo muddo sideed sano ah ka dhaca Degmada BeeldXaawo, tan iyo intii laga xoreeyay mintidiinta Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...