Tuesday, May 12, 2026
29.9 C
Mogadishu

Digniin culus oo loo jeediyay Kenya, kaddib dagaalkii maanta ka dhacay BeledXaawo!

Gedo (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo, Korneyl Maxamad Caddow Cali (Sanka) ayaa Kenya ugu yeeray in ay joojiso waxa uu ugu yeeray daan-daansigeeda ka dhanka ah Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay inay soo afjareen dagaalkii xooganaa ee maanta ka dhacay xuduuda Degmada BeledXaawo la wadaagto Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay ka itaal roonaadeen dadkii uu sheegay inay taageereysay Dowladda Kenya, ayna ka sifeeyeen xuduuda Degmada BeledXaawo ee Gobolka Gedo.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Degmada BeledXaawo ayaa xusay in Ciidanka Kenya ay madaafiic ku soo tuureen Degmada Beled Xaawo, intii uu dagaalku socday, taa oo burbur uu ka soo gaaray dhismooyin ku yaala degmadaasi.

Waxa uu Kenya uga digay inay joojiso xadgudubyada ka dhanka ah Soomaaliya, haddii kalena ay Ciidanka Xoogga Dalka ka bixin doonaan jawaab adag oo ku aadan.

Waxa uu intaa ku daray in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan xuduuda Degmooyinka BeledXaawo iyo Mandhera, ay u diyaarsan yihiin ka hortagga weerar kaga yimaada dadka ay taageereyso Kenya, sida uu yiri.

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji ayaa dhankiisa ku goodiyay inay gudaha u geli doonaan Degmada Mandhera, haddii markale laga soo abaabulo weerar ka dhan ah Degmada Beled Xaawo.

Dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Degmada Beled Xaawo oo ahaa mid xoogan ayaa sababay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyadeedba leh.

Ugu dambeyn, dagaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu xooganaa oo muddo sideed sano ah ka dhaca Degmada Beeld Xaawo, tan iyo markii laga xoreeyay mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...