Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Mareykanka oo war ka soo saaray Weerarkii Ceelbaraf

Ceelbaraf (Halqaran.com) – Maraykanka ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii 3-dii bishan May lagu qaaday xerada Ceel-baraf oo ay deganaayeen ciidamada Burundi ee tirsan hawl-galka Midawga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS.

War qoraal ah uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu tacsi u dirayo ciidanka dalka Burundi, isaga oo ka tacsiyadaynaya khasaarihii ka soo gaadhay weerarkii ka dhacay xerada Ceel-baraf ee ay geysteen ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisu uu garab taagan yahay ciidanka Burundi.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada Burundi ay door geesinimo leh ka qaateen hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya, muddo sannado ah.

Maraykanka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu weli sii wado taageerada uu siiyo hawlgalka ATMIS iyo ka hortagga dhibaatada argagixisada.

Ugu yaraan 30 akari oo u dhashay Burundi ayaa lagu dilay, 20 kalena way ku dhaawacmeen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellada Dhexe, sida uu sheegay sarkaal u dhashay dalka Burundi.

Al-Shabaab ayaa iyagu waxay sheegteen inay dileen 173 u dhashay Burundi, sheegashadaa soo aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...