Al-Shabaab oo markale weerar Madaafiic ah ku qaaday Ceelbaraf

Ceelbaraf (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab inay tiro madaafiic ah ku garaaceen degaanka Miirtaqwo oo u dhow degaanka Ceelbaraf, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo katirsan howlgalka ATMIS.

Dadka deegaanka Meertaqwo ayaa sheegay inay madaafiic dhowr ah ku soo dhaceen deegaanka, hayeeshee aysan shaacin khasaaraha ka dhashay madaafiicdaas.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay dhankooda weerarka Madaafiicda ah ka jawaabeen, iyaga oo madaafiic ku garaaceen duleedka degaanka Ceelbaraf.

Ilaa iyo hadda weli lama shaacin khasaaraha Guud ee ka dhashay madaafiicda labada dhinac ay is weeydaarsadeen, balse waxay kusoo aadaysaa xilli 3-dii Bishaan ay Al-Shabaab weerar qaraxyo ku biloowday ku qaadeen Saldhiga Ciidamada ATMIS ee degaanka Ceelbaraf, kaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com