Muqdisho (Halqaran.com) – War saxaafadeed ka soo baxay howlgalka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu aad uga walaacsanyahay cakirnaanta doorashooyinka Soomaaliya taasoo abuureysa deganaansho la’aan siyaasadeed islamarkaana halis ku ah amniga, xasiloonida iyo horumarka dalka.
“Waxaan ugu baaqeynaa madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah in ay dhinac iska dhigaan u jeedooyinka siyaasadeed ee gaarka ah, ayna ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, oo ay oggolaadaan in si deg deg ah loo qabto doorasho hufan oo loo dhan yahay” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay howlgalka Mareykanka.
War saxaafadeedka oo sii socda ayaa lagu sheegay in caqabadaha hadda jira ay wiiqayaan horumarka la sameeyay illaa hadda, oo ay ka mid tahay dib u dhac ku yimaada dib u habeynta dhaqaalaha dalka oo si deg deg ah loogu baahanyahay si Soomaaliya ay ugu sii socoto wadada deyn cafinta oo dhammeystiran.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





