Friday, July 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Mareykanka oo Gaadiid dagaal siiyay DF Soomaaliya +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika o loo yaqaan ( AFRCOM) ayaa Talaadadii maanta oo talaado ah waxaa Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku wareejiyay Gaadiid dagaal noocyadiisa kala duwan.

Munaasabad kooban oo Gaadiidkaas uu kula wareegayay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka & Taliska AFRICOM.

Gadiidkan maanta lagu wareejiyay Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa loogu talagalay in ay ku howlgalaan Ciidanka kumandooska DANAB  Ee Xoogga dalka, kuwaas oo dagaal adag kula jira Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa uga mahadceliyay Taliska Mareykanka ee AFRICOM Gaadiidkaan ay ku soo wareejiyeen, isaga oo sheegay in Ciidamada DANAB sidii loogu talo galay ay ugu Shaqeyn doonaan.

Ugu dambeyn, saraakiil ka socotay Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika oo loo yaqaan (AFRCOM) dhankooda waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo Gobollada dalka ka wada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...