Friday, May 1, 2026
28.1 C
Mogadishu

Puntland oo shaacisay xilliga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada tijaabada ah ee…

Garoowe (Halqaran.com) – Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka dowlad goboleedka Puntland ayaa Talaadadii maanta shaaciyay xiliga rasmiga ah ee ay dhacayso doorashada horudhaca ah ee degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn.

Guddoomiyaha guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee TPEC Guuleed Saalax Barre oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa in doorashadaas la qaban doono 25-ka October 2021 oo ku beegan maalin Isniin ah.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in Guddiga markii uu la tashaday Dawladda, Ururada Siyaasadda, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo in la iswaafejiyo jadwalka iyo xeerarka doorashada lana Tixgeliyo jadwalka doorashada federaalk la go’aamiyay in doorashadu ka qabsoonto 3daas degmo maalinta Isniinta ah ee 25 October 2021.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa dhawaan waxaa degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn ka sameeysay diiwaangelinta dadweynaha si ay deggaanada puntland uga dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...