Sunday, May 10, 2026
27.7 C
Mogadishu

Mareykanka oo ergey gaar ah u soo magacaabay Geeska Afrika, muxuu yahay u jeedku?

USA (Halqaran.com) – Dowladda Mareykanka ayaa Jeffrey Feltman u soo magacowday inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee cusub ee Geeska Afrika, kaas oo ah diblumaasi rugcaddaa ah, waxayna taasi muujineysaa in si gooni ah isha loogu hayo gobolka geeska oo haatan wajahaya khatar kala duwan.

Antony Blinken xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegay in magacaabista Mr Feltman ay muujineyso sida madaxweyne Joe Biden ay uga go’an tahay hogaaminta dadaallada caalamiga ah ee wax looga qabanayo arrimaha gobolka Geeska Afrika oo ka jiraan xasillooni darro dhinacyada siyaasadeed, amniga iyo bani’aadamnimada.

“Arrinta sida gaarka ah looga walaacsan yahay waa xaaladda kacsan ee Itoobiya, oo ay ku jiraan colaadda Tigray; xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan; iyo muranka ka taagan biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD). Xilliga isbeddelka qotada dheer ee gobolkan istiraatiijiga ah, ka-qaybgalka heer-sare ee Mareykanka wuxuu muhiim u yahay yareynta halista ka imaaneysa khilaafka iyadoo la siinayo taageero fursadaha dib-u-habeynta,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray Mr Blinken.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ayaa hadalkiisa intaas ku sii daray, “Wuxuu si gaar ah ugu habboon yahay inuu la yimaado khibrad tobanaan sano ah Afrika iyo Bariga Dhexe, diblomaasiyadda dhinacyada badan, iyo wadahadalka iyo dhexdhexaadinta, si loo horumariyo loona fuliyo istiraatiijiyad isku dhafan oo wax looga qabanayo arrimahan adag ee gobolka”.

Magacaabistan waxay ka dhigan tahay in Mareykanku hadda yeelan doono xafiis heegan u ah oo wax ka qabta qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya, khilaafka Itoobiya ee gobolka Tigray iyo muranka aan dhammaadka lahayn ee GERD.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...