Puntland (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo wareysi siinayey TV-ga Dalsan ayaa beeniyay in uu wax xiriir siyaasadeed ah la leeyahay dowladda Imaaraatka Carabta oo aad loogu xanto.
Madaxweyne Deni, oo su’aal laga weydiiyay, haddii uu xiriir siyaasadeed la leeyahay Imaaraatka? ayaa sheegay in aanay jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya isaga iyo dowladda Imaaraatka, islamarkaana aysan waxba ka jirin wararka ku saabsan arrintaas.
“Waxaan si cad u sheegayaa in Saciid Cabdullaahi Deni xiriir gaar ah oo uu dal adduunka ah la leeyahay uusan jirin, marka taasi ma jirto, dowlad goboleedyada Soomaaliya-na hade wax xiriir siyaasadeed ah si gooni ah u lama yeelan karaan wadan kale,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com