Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

Mareeg raadineysa shaqaale ay lacag ku siiso hurdo!

USA (Halqaran.com) – Mareeg caafimaadka ka talo bixisa ayaa raadineysa howl-wadeeno ay lacag ku siiso in ay u hurdaan iyaga oo heli doona mushaar dhan $2,000.

Shaqadaan oo socon doonta shan cisho ayaa shaqaalaha nasiibka u yeesha waxa ay shan habeen seexan doonaan shan meel oo deegaan ahaan kala duwan.

Ujeedka howshaan ayaa ah in la ogaado macluumaad ku saabsan waxyaabaha saameynta ku leh hagaagsanaanta hurdada qofka ee bey’ada ku hareereysan ka yimaada.

“Haddii lagu qaato, waxaan kuu direynaa habeen walba meel cusub, oo ay ku jiraan dabaqyo ku yaalla xeebaha dal-xiiska, dhammaan qarashkana waa lagaa bixin.”

Mas’uuliyadda qofka shaqadaan qabanaya ayaa ah in uu si fiican u qeexo meelaha kala duwan ee la seexiyo isaga oo darajo qiimeyn gaar ah siinaya goob kasta.

Mareegtaan oo lagu magacaabo Sleepstandards.com ayaa sheegtay in dadka doonaya shaqadaan ay ku soo codsan karaan hab Online ah kahor 30-ka bishaan Maarso.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...