Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xilka kala wareegay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenkii hore ee xukuumadda, Mahdi Maxamed Khadar (Guuleed).
Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xilka u kala wareejiyay labada masuul, ka dib munaasabad kooban oo ka qabsoomtay xafiiskiisa.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku ammaanay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenkii hore ee xilka wareejiyay, shaqadii wanaagsaneyd ee muddadaasi uu u soo qabtay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa u rajeeyay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka cusub in Allah u fududeeyo shaqada culus ee hortaalla, wuxuuna ku tilmaamay nin shaqo yaqaan ah, lehna xirfad hoggaamineed, oo ay ka faa’iideysan doonaan.
Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka cusub ku wareejiyay dokumintiyo iyo hannaanka shaqo ee Xafiiska Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





