Friday, December 12, 2025
26.3 C
Mogadishu

Guddoomiye Sh. Aadan Madoobe oo guddi u saaray fowdadii ka dhacaday Golaha Shacabka

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo kasoo talabixiya dhacdadii 07/08/2022 ka dhacday Xarunta Villa Hargeysa xilli ay socotay ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Dhacdada ayaa aheyd gacan ka hadal dhexmaray Xildhibaannada qaar ee Golaha Shacabka, kuwaas oo isku khilaafsanaa habka loo marayo ansixinta Xukuumadda.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu Magacaabay Guddi ka kooban 5 Xubnood, waxaana laga sugayaa shaqooyinka kala ah.

Xog aruurinta iyo Wareysiga Xubnaha Golaha Shacabka ee xaadir ku ahaa kulanka iyo cid kasta oo Maalintii Axadda aheyd goobta kulanka ee Villa Hargeysa ku sugneyd.

Diyaarinta Warbixin dhammeystiran oo aadan natiijada kasoo baxda xog aruurinta iyo talo soo jeedinta Guddiga taasi oo uu guddiga ku soo celinyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xoghayaha Golaha Shacabka ayaa waxaa la faray in wixii tasiilaad ah oo ay guddiga u baahdaan in loo fududeeyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...