Wednesday, July 15, 2026
27.3 C
Mogadishu

Mahad Salaad oo loo magacaabay taliyaha cusub ee hay’adda Nabad-sugidda Qaranka

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay soo jeediyey in xildhibaan Mahad Maxamed Salaad uu noqdo Taliyaha Hay’adda Nabad- Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Golaha Wasiirrada ayaa iska leh soo jeedinta iyo magacaabista Taliyaha Nabad Sugidda, waxaana uu sharci noqonayaa marka uu ogolaado oo uu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya.

Mahad Maxamed Salaad oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, waxaa aad loogu yaqaanay inuu ka mid ahaa xubnihii ugu cad cadaa mucaaradka dowladdii Maxamed Cabdullhi Farmaajo.

Waxaa kaloo lagu tiriyaa inuu ka mid yahay saaxibadda ugu dhow Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamud xagga siyaasadda.

Mahad Salaad ayaa buuxinaya Booskii laga eryay taliyihii hore ee Nabad suggida Fahad Yaasiin, booskaas oo uu si ku meel gaar ah u sii hayay Yaasiin Farey oo isna noqday xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...