Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Taliye Shub oo Kashifay qorshe uu Fahad Yaasiin la damacsanaa Koonfur Galbeed

Baydhabo (Halqaran.com) – Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) oo ka tirsan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, kana soo jeedo Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday sheeko siyaasadeed oo horey u dhex-maray isaga iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo horey usoo ahaa taliyaha ciidamada Asluubta, marna ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Booliska Booliska ee ka howlgala ee Koonfur Galbeed ayaa fashiliyey qorshihii Fahad Yaasiin uu ku wajahay dagaalkii ay Villa Somaliya la gashay maamulkii uu horkacayey Shariif Xasan oo ahaa Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed.

“Hadda ka hor aniga oo inta joogo qaybtaan Baydhabo ayaa ayaa Xamar la’iiga yeeray taliyaha qaybta Booliska markaas joogay ayaa ii yeeray waan tegay shiraan maalintii ku galnay wuxuu igu yiri waa lagu heystaa is furfur N&N ayaa ku heysato madaxtooyaa ku heysato ayuu igu yiri,” ayuu Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku sii daray in kadib uu la kulmay Fahad Yaasiin oo ka socday Madaxtooyada, uuna weydiiyey sababta uu hortaagan yahay in meesha laga saaro Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Halka hoose ka dhageyso Sheekada oo dhammeystiran oo Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) kawaramaya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...