Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Madaxweynihii hore ee Somaliya Sheekh Shariif oo ku wajahan magaalada Baydhabo +Ujeedka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Khamiista maanta ah lagu wadaa inuu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta kmg ah ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Ujeedka safarka Sheekh Shariif ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in uu bilaaw u yahay socdaalo uu ku tagayo magaalooyinka dalka, si uu ugu ololeeyo doorashada soo socota.

Waxaa magaalada Baydhabo maanta laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyada oo Amniga si weyn loo adkeeyay.

Si kastaba, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee ku shirsan Muqdisho, kuwaasi oo gelinka hore ee maanta War-murtiyeed soo saarayo, kaddibna uu u duuli doono Magaalada Baydhabo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...