Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad heerkeedu sarreeyo oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka, waxa uu xilka Madaxweynaha JFS kaga la wareegay Madaxweynihii 9aad ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaamintiisii dalka, dadaalkii uu geliyay dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.
Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilka Madaxweynaha 10aad ee JFS, isaga oo Alle uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay si buuxda ula shaqeeyaan dowladda cusub.
Munaasabadda xilwareejin Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa ka soo qaybgalay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka, Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, madax xilal sare ka soo qabtay dalka, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo marti sharaf kale.


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





