Wednesday, May 27, 2026
26.5 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiista maanta ah gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Xasan ayaa ka soo ambabaxay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay uu joogay.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), Xubno kale oo kamid ah Maamulka Galmudug, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo kala gooni gooni la yeelan doona Madaxda Sare ee dowlad Goboleedka Galmudug, Saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo Odayaasha Dhaqanka Magaalada.

Safarka Madaxweyne Xasan uu maanta ku tegay magaalada Dhuusamareeb waxa uu qeyb ka yahay booqashada uu ku marayo qaar ka mid ah gobollada dalka, si uu ugu kuurgalo xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira gobollada dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...