Saturday, May 23, 2026
26.6 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay xuska 1-da Luulyo +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay xuska sannad guurada 62aad ee ka soo wareegtay, markii ay ka xoroobeen Gobolada Koonfureed ee dalka gumeystihii Talyaaniga iyo midnimadii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa dul istaagay mudnaanta uu siinayo xaqiijinta Soomaali heshiis ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhibaatooyinka curyaamiyay Dowladnimadda Soomaaliyeed, tan iyo xornimadii kaddib, ay ugu horreyso qalbi jabka iyo kalsooni darrada shacabka Soomaaliyeed ka soo gaartay dowladooda, isagoo bidhaamiyay muhiimadda ay leedahay in la dhayo dhibaatooyinkii dhacay, dowladduna ay mudnaan siineyso heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo xal u helidda tabashooyinka jira.

“Dhibaatadii dhacday dalkan, muddadii xoriyadda la qaatay kaddib waa dheerayd, waa faro badneyd, laakiin kuwii ugu xanuunka badnaa waxaa ka mid ah dhibkii waqooyi ka dhacay, waana waxa ilaa maanta dhowr iyo soddon sano kaddib weli aanu la tacaaleyno oo aan u la’ nahay xal waara. Kalsoonidii barigaa jabtay, dhaawicii gaaray kalsoonida dhex taallay shacabka Soomaaliyeed in aan ka soo kabanno waxay sii maraysaa dhowr iyo soddon sano. Khibradda ugu fiican ee aan taas ka baran karnana waa in qalbiga dadka Soomaaliyeed la ilaaliyo, dhawacna aan loo geysan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in xornimada dalkeenna loo soo maray halgan dheer, kaas oo sababay in 26-kii June ee sanadkii 1960-kii ay noqoto Magaalada Hargeysa goobtii ugu horreysay oo laga taago calan Soomaaliyeed oo xor ah, ayna tahay maalintaasi maalinta xoriyadda, halka 1-da Luulyo ay ku astaysan tahay maalinta midnimada.

“26-ka June waxa ay taariikhda dalkeenna ku gashay in ay tahay maalintii ugu horreysay calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago ciid Soomaaliyeed. Maalinta dhabta ah ee la dhihi karo maalinta xoriyaddana waa maalintaas. 1-da July-na waa maalintii midnimada oo ay labada qaybood ee Soomaaliyeed ee la qaybiyay ay sameeyeen Jamhuuriyadda Somaliya.”

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in dalka ay ka jirto xaalad adag oo ka dhalatay saameynta abaaraha, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan dadaalada ay dowladdu ku bixineyso gurmadka abaaraha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...