Muqdisho (Halqaran.com) – Ergeyga Joogtada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya xarunta Ururka Iskaashiga Islaamka Ibraahim Adan Muusa ayaa la kulmay madaxa qunsulka Somaaliya ee magaalada Jiddah Dr. Amed Maxamuud Diiriye iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan ururkaasi.
Labada dhinac ayaa waxa ay ka wadahadleen masuuliyadda laba xafiiis ka saaran xoojinta xiriirka dalalka Islaamka iyo in waxqabadkooda lagu saleeyo istaraatiijiyadda qaranka dowladda Soomaaliya.
Ergeyga Joogtada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya xarunta Ururka Iskaashiga Islaamka Ibraahim Adan Muusa,waxaa kale oo uu la kulmay kaaliyaha xoghayaha bini‘aadnimada iyo dhaqanka ururka Iskaashiga Islaamka, isagoo kala hadlay xaaladda abaaraha ee ka jirtaa dalka Soomaaliya iyo sida loogu gurman karo dadka.
Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya waxa uu horay ula kulmay xubnaha Dalalka Falastiin iyo Turkiga eek u jira ururkaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





