Muqdisho (Halqaran.com) –Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa magacaabay Guddiga Dabagalka & Xaqiiqa Raadinta Xisaab Xirka afartii sano ee u dambeysay (2018, 2019, 2020 & 2021).
Xubnaha la magacaabay oo toddobo xubnood ka kooban ayaa ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaynaan u cuntamin xisaab xir aan rasmi ahayn oo ay sameysay Wasaaradda Maaliyadda, waana midda keentay tallaabada uu guddonku ku magacaabay xubnaha guddigaasi.
Xubnaha la magacaabay:-
1. Senator Cabdixakiin Macalin Axmed
2. Senator Saciid Cabdi Xuseen Cawke
3. Xildhibaan Saciid Maxamed Cali
4. Xildhiban Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene
5. Xildhiban Cabdiraxmaan Cadde Caddow
6. Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi
7. Xildhibaan Cabdiqafaar Cilmi Xaange
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





