Ankara (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn milgo sare leh loogu sameeyay qasriga madaxtooyada Turkiga ee ee Magaalada Ankara.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Turkiga , ayaa loo riday 21 madfac oo lagu soo dhaweeynayay.
Waxa uu Madxweynaha hadda uu ka qeyb galayaa kulan isaga iyo dhiggiisa Turkiga uga socdo qasriga xarunta madaxtooyada ee dalka Turkiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





