Monday, December 15, 2025
27.9 C
Mogadishu

Muwaadin Soomaaliyeed oo 19 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkenleey qarax loogu xiray Gaarigiisa lagu dilay Xaashi Cumar oo ahaa muwaadinkii Somaaliyeed ee u xirnaa Dawladda Talyaaniga muddo 19 sano, balse markii la soo daayay dhawaan helay Lacag magdhow oo gaareysa $5 Milyan.

Alle ha u Naxariistee Cumar Xaashi ayaa dowladda Talyaaniģa waxaa ay u heysatay inuu ka dambeeyey dil Magaalada Muqdisho loogu geystay gabar wariyaha ahayd oo lagu Magacaabi jiray llaria Alpi 20-kii Bishii Maarso sanadkii 1994-tii, Hayeeshee markii dambe wax dambi ah lagu waayay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in Xaashi dhaawac culus oo markii hore ka soo gaaray qaraxa uu ugu geeriyooday mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho oo xaaladiisa lagula tacaalayay.

Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo muddo kooban xiray waddooyinka soo gala Goobta, waxaana jirin ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa iyo dad loo qabtay.

Laamaha Amniga Soomaaliya iyo Maamulka degmada Dharkenleey ayaan weli ka hadlin qaraxa waxaana uu ku soo beegmayaa xilli magaalada Muqdisho bilihii la soo dhaafay ay ka yaraadeen qaraxyada gawaarida dadka loogu xiro.

Xaashi Cumar ayaa dowladda Talgaaniga waxaa ay xabsiga ka siideysay sanadkii 2016-kii, kadib markii lagu waayay dambiga ahaa in uu ka dambeeyay dilka gabar wariye ahayd oo ka tirsanayd Telefishinka RAI ee dalka Talyaaniga iyo sawir qaade la socday, kuwaas oo Muqdisho u yimid baaritaanka eedeymaha sheegayay, in shirkaddo laga leeyahay Talyaaniga ay qayb ka ahaayeen haraaga sunta oo lagu shubay xeebaha Soomaaliya iyo hub laga iibiyey kooxeedyadii Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...