Makkah (Halqaran.com) – Xajku waa cibaado weyn oo kheyr badan laga helayo haddii uu qofku u guto sida saxda ah. Kan sanadkan wuxuu ku beegan yahay maalinta Khamiista ah ee 8-da Dulxaj (7-7-2022). Waa maalinta ay xujayda tagay Sacuudiga u safri doonaan Mina si ay u guda galaan gudashada waajibaadka xajka.
Sida uu qorshuhu yahay salaadda subax kaddib waxaa billaabaneysa daabulidda dhamaan xujeyda ka imaanaysa magaalada Makkah ilaa Mina, halkaas oo ay ku qaadan doonaan maalmaha gudashada waajibaadka xajka.
Qaar ka tirsan, booqashadu waxay u noqon kartaa booqashadoodii ugu horreysay, qaar kalena waxaa laga yaabaa inay halkaasi sii joogeen.
Si kastaba ha ahaatee, marka laga soo tago cibaadada ay xujeydu gudan doonaan, waxaa jira waxyaabo kale oo ay tahay inay isku diyaariyaan si ay arrimuhu ugu sahlanaadaan.
Waxaa jira su’aalo badan oo Muslimiinta qaar ay maskaxda ku hayaan sida: sidee buu nidaamka socdaalku noqon doonaa? Maxay tahay inay bixiyaan? Diyaarin noocee ah ayay sameyn doonaan? iyo kuwo kale.
Waa su’aalaha aan jawaabahooda ku eegi doonno qormadan kooban, annagoo weliba xujayda ka siin doonna talooyin kooban oo ku aaddan qaabka loo gudan karo cibaadada qiimaha badan ee xajka.
Diyaarso labbiska
Waxyaabaha ugu wanaagsan ee ay tahay in ay sameeyaan dadka xajinaya waxaa ka mid ah in aysan qaadan shandado waaweyn, sababtoo ah goobaha uu qofku tagayo ma ahan kuwo waqti badan uu joogayo oo si ku meel gaar ah ayuu qofka u joogayaa dhulka barakaysan.
Waxyaabo yaryar
Ha illaawin in aad qaadato shandadao yaryar oo aad ku qaadato waxyaabaha muhiimka ah , taladaan waxaa loo jeedinayaa rag iyo dumarba.
Ka waran cunto iyo cabitaan?
Uma baahnid in aad suuq aaddo oo aad soo gadato cuntooyin iyo cabitaan, sababtoo ah wax walba goobaha aad tagayso ayaad ka helaysaa, marka taas haka walwalin.
Xusuusnow, haddii aad cuntooyin qaadato waxay kugu noqonayaan culays cibaadada kaa mashquuliya.
Qoysaska waxaa lagula talinayaa in ay qaataan cuntooyin yaryar sida buskudka.
Maalinta Carrafo
Maalinta Carrafo qofku wuxuu joogi doonaa subax ilaa galabtii, sidaas daraaddeed waa inuu iska ilaaliyo alaabo iyo waxyaabo ka mashquulin kara cibaadada. Alaabaha waxaad uga tagan kartaa Mina.
Musdalifa
Halkani waa halka ay dadku u hoyan doonaan marka ay ka tagaan Carrafo, iyagoo halkaa ku tukan doona salaado, isla markaana ku nasan doona.
Waxyaabaha inta aad Musdalifa joogto muhiimka ah waxaa ka mid ah in aad habeennimo ka tagin oo aad salaadda subax ku tukato. Waxaa xusuusin mudan in dadka tabarta yar loo oggol yahay in ay habeennimo tagaan.
Maalinta Dhagax-tuurka
Maalintan waa maalinta dadka xujeyda ah ay qabanayaan shaqooyinka ugu badan, maaddaama ay tahay maalinta weyn ee xajka. Dadku marka ay ka soo tagayaan Musdalifa ayay soo qaadanayaan dhagxaanta. Dadku waa inay maanka ku hayaan in maalintaan uu jiro ciriiri badan.
Xigasho – BBC Somali
@HalQaran News