Qaahira (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmiga ah ku joogo dalka Masar, ayaa booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalkaas.
Safiirka dalka Masar ahna Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Safaarada, halkaas oo uu warbixinno kaga dhageystay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada Safaaradda.
Madaxweyne Xasan ayaa ka hadlay daddaallada Dowladda ee ku aaddan dib u habaynta iyo horumarinta hanaanka diblumaasiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta matalaad dibadeed oo ku saleysan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
halqarannews@gmail.com





