Monday, May 11, 2026
28 C
Mogadishu

RW Xamse oo sheegay ‘labo qodob’ oo ay xoogga saari doonto xukuumaddiisa

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inay xukuumaddiisu xoogga saari doonto waxyaabaha sida dhabta ah u taabanaya muwaadinka Soomaaliyeed.

Mr Barre ayaa qodobka koobaad oo ay diiradda saarayaan ku sheegay deggenaansho siyaasadeed si loo helo dib u heshiisiinta bulshada.

Wuxuu ra’iisul wasaaruhu xusay inay ka shaqayn doonaan in meesha laga saaro kala aragti duwanaanshaha madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

”Si loo helo madax isku kalsoon, waxaan u baahannahay siyaasad deggan, kalsoonina ka dhex abuurta madaxda dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada, taasina waa mudnaan-teenna koowaad.” Ayuu yiri RW Xamse.

Qodobka Labaad oo ay xoogga saari doonaan buu ku sheegay ra’iisul wasaare Xamse, sugidda amniga, isagoo xusay inaan tallaabo loo qaadi karin xagga horumarka hadduusan amni jirin loona baahan yahay in cid kasta oo bulshada ka mid ihi ay ka qayb qaadato.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...