Monday, June 1, 2026
26.9 C
Mogadishu

Askari dilay Nin Sarkaal iyo Walaashiis oo meel fagaaro ah lagu toogtay

Caabudwaaq (Halqaran.com) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 21aad ayaa Talaadadii maanta dil toogasho ah ku fulisay Axmed Cabdi Xasan (Dhagadheere) oo 17-kii Bishaan degmada Cabudwaaq ku dilay Taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle.

Goob fagaaro ah oo ku yaalla banaanka degmada Cabduwaaq ayay ka dhacday toogashada, waxaana goobjoog ka ahaa Ehelada Marxuumiinta, Maamulka Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Caabudwaaq.

Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa 24-kii Bishaan Maxkamadda Ciidamada ku riday xukun dil toogasho ah kadib markii lagu helay in Maqaayad kutaalla degmada Cabudwaaq uu kudilay Taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug iyo Walaashiis.

Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa howlgal maalmo qaatay oo ay ku baadi goobayeen Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo baxsaday kasoo qabteen degaan kuyaalla duleedka degmada Cabudwaaq, ugu dambeena Maanta la toogtay.

Qaar kamid ah Ehellada Marxuumiintii uu dilay Axmed oo sidoo kale kamid ahaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay xukunka qisaasta ahaa ee lagu fuliyay Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere)

Ugu dambeyn, dhowr jeer ayaa degmada Cabudwaaa ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay dilal lala xiriirinayay aanooyin qabiil balse ay yaraadeen markii dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ay Ciidamo geeyeen degmadaasi Cabudwaaq.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...