Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi kaariye (Qoorqoor) ayaa gelinkii dambe ee galabta magacaabay Guddoomiyaha Maxkmada Sare ee Galmudug
Wareeg ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug, ayaa xilka guddoomiyaha maxkamadda Sare loogu magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamuud Gacal.
Isla galabta ayaa lagu dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Galmudug Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor, waxaana ka soo qeyb galay, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.
Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda sare ee Galmudug ayaa waxaa uu 45-kii sano ee la soo dhaafay uu ka mid ahaa xubnaha Garsoorka dalka, sida uu sheegay Wasiir Fiqi.
Ugu dambeyn, Cabdullaahi Maxamuud Gacal ayaa waxa uu sanadihii ugu dambeeyay ahaa Xeer ilaaliyihii maamulka Hirshabeelle, wuxuuna xilkaasi iska casilay Shalay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





