Friday, July 10, 2026
26.8 C
Mogadishu

Madaxweyne Qoorqoor oo magacaabay guddoomiyaal Maxkamad & ku-xigeennada…

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa lagu magacaabay Guddoomiyayaasha maxkamadaha racfaanka iyo maxkamadaha gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo ku-xigeenada xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:-

1-Saciid Cabdiraxmaan Shiikh : Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobalka Galgaduud.

2- Maxamed Cabdi Kadiye : Guddoomiyaha maxkamadda gobolka galgaduud.

3-jimcaale Cali Salaad : Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka mudug.

4- Cabdirisaaq Cali Yusuf : Guddoomiyaha maxkamadda gobolka mudug.

5-Cabdullaahi Cali Cumar : ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee galmudug.

6- Cabdixakiin Maxamed Xirsi : ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee galmudug.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor ayaa magacaabay xubnahan kaddib markii uu garowsaday baahida deg-dega ah ee loo qabo dhisidda hay’adda garsoorka Galmudug, islamarkaana tix-geliyay aqoonta iyo waayo aragnimada xubnuhu u leeyihiin arrimaha garsoorka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...