Saturday, May 23, 2026
26.3 C
Mogadishu

Madaxweyne Qoorqoor oo gaaray magaalada Gaalkacyo +(SAWIRRO)

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa galinkii dambe Sabtida maalinta ah gaaray Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa afaafka hore ee Magaalada kusoo dhaweeyay xubno ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo qaar ka mid ah Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Qoorqoor oo khudbad ka jeediyay Garoonka Cabdullahi Ciise oo soo dhaweyn diiran loogu saamayay ayaa waxa uu sheegay in safarkiisu ahaa safar nabad iyo iskaashi islamaarkaana uu Gaalkacyo u yimid in uu dhageysto baahiyaha iyo tabashooyinka reer Gaalkacyo.

Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo tahay halbowlaha Galmudug uuna mudo joogi doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...