Sunday, February 15, 2026
25.9 C
Mogadishu

Booliska Kenya oo dilay Aabe iyo laba carruur uu dhalay

Mombasa (Halqaran.com) – Booliska dalka Kenya ayaa dilay nin loogu shakisanaa inuu yahay Al-Shabaab iyo laba carruurtiisa ah oo uu gabaad ka dhiganaayey halka afar kale oo ay ku jirta xaaskiisa dhaawac ku soo gaaraay hawlgal gurigiisa lagu qaaday xalay, kaasi oo ku yaala deegaanka Kwale oo dhaw Mombasa.

Wargayska Daily Nation ee ka soo baxa dalkaasi ayaa sheegay in ninkan lagu magacabi jiray Maxamed Mapenzi uuna la dagaalamay Booliska ka hor inta aysan khaarijin isaga.

Ciidanka booliska Kenya ayaa la sheegay inay u dhaceen hoyga ninkaan, waxaana markii uu maqlay Shanqarta Booliska uu ku soo tuuray Garnayl, sidaasina Booliska ay rasaas ugu fureen.

“Maadaama ay saraakiisha ciidanka isu diyaarinaayeenin ay u dhacaan guriga laga shakisanaha, waxa uu durbadiiba furay albaabka waxa uuna soo tuuray garneel(hub) taasi mid kamida dhaawac ka soo gaaray”, Sidaas waxa lagu yiri warbixinta Booliska oo ay aragtay Jariirada.

Booliska ayaa dhaawacay hooyada guriga iyo Saddex carruur ah, kuwaasi oo hadda lagu daaweynaayo Isbitaal ku yaallo Magaalada Mombasa.

Ugu dambeyn, lama oga ilaa iyo hadda in ninkaan uu ka tirsanaa Kooxaha argagixisada ee ka dagaalama dalka Kenya iyo inuu ahaa qof Booliska ay ku qaldoomeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...