Thursday, February 12, 2026
24.4 C
Mogadishu

Madaxweyne Qoorqoor oo dib ugu noqday Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Jimcihii maanta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb, kaddib markii uu magaalada Garoowe uu uga qeyb galay aaska ra‘isul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Puntland.

Qoor-Qoor waxaa garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirrada.

Madaxda Maamul goboleeyada oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa la filayaa inay tagaan Dhuusamareeb si ay uga qeyb-galaan shirka dhawaan dhexmari doona Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyo madaxda Dowlad Goboleedyada dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...