Friday, July 10, 2026
24.7 C
Mogadishu

Madaxweyne Muuse Biixi oo Cafis u fididyay in ka badan 500 Maxaabiis oo ku xirnaa Xabsiyada Somaliland

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay SL/XM/WM/222-953/112022, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Somaliland ku xirnaa, iyadoo laga duulayo faya dhawrka caafimaad ee Maxaabiista, si aanay u saamayn xumaddu.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Cafis Madaxweyne

Markaan Arkay: Qodobka 90aad, Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/347/2022, kuna taariikhaysan 07/11/2022, ujeeddadiisuna tahay Soo- gudbin Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2022- ka;

Markaan Tix-geliyay: Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud taariikhaysan 08/11/2022 u jeeddadiisuna tahay soo- jeedin cafis guud;

Markaan La-tashaday:         Hay’adaha ay Khusayso;

Waxaan Go’aamiyay;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xirnaa oo tiradoodu dhan tahay 594 (Shan Boqol iyo Afar iyo Sagaashan) maxbuus.

Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soamliland, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...