RW Xamse Cabdi Barre oo Jabuuti kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Jabuuti (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre ayaa Khamiistii maanta aqalka Madaxtooyada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

RW iyo Madaxweynaha ayaa kulankooda waxa ay kaga wada hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya laba waddan ee walaalaha ah.

Wuxuu ra’iisul wasaare Barre uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti sida ay isaga iyo shacabkiisu mar walba u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda.

RW Xamse Cabdi Barre ayaa safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, waxaana shalay  uu booqasho ku tagay magaalada Carta oo ah magaaladii dib loogu yagleeyay dowladnimada Soomaaliyeed sanadkii 2000.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com