Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya u magacowday Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo horay u soo noqday Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya, Hilaal ayaa sheegay in Maxamed Xaashi Cabdi Carabey la isku raacay in uu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
“Waxaan si diiran u soo dhawaynaynaa una hambalyayneynaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xaashi Carabeey” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Batroolka.
Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Batroolka ayaa horay isku casilay, kadib markii Khilaaf uu soo gala dhex galay Wasiirka Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





