Berbera (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Isniinta maanta ah xariga ka jaray waddo 12KM (laba iyo toban kiiloomitir), oo ka mid ah jidka weyn ee Berbera illaa Wajaale (Berbera Corridor) oo si rasmi ah loo dhammaystiray.
Eng. Tahir Mehmood ku hadlayay magaca Shirkadda Nael Bin Harmal Hydaroexport Establishment (NBHH) ee fulinaysa dhismaha wadada Berbera Corridor ayaa ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee ay wadadu soo martay, waxana uu tilmaamay inay ka go’an tahay dhammaystirka wadada Berbera Corridor oo muhiim u ah guud ahaan Somaliland.
Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland, Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa isaguna faahfaahiyay is bedelka dhinaca tayada iyo cabirka ah, ee wadada ku yimid iyo waxyaabaha ay kaga duwan tahay waddadii hore loo mari jirey oo ahayd mid kooban oo cimrigeedu dheeraa.
“Maanta waxa aynu u joognaa inaanu furno qayb kamid ah mashruucii Berbera Corridor oo ah 12KM, wadadani Madaxweyne way ka duwan tahay wadadeenii hore, qaabkii hore wuxuu ahaa Lix Tone (6), tanise Insha’Allah waxay noqon doontaa 40-tone iyo wax ka badan inay xamisho, sidoo kale waa la ballaariyay oo ballaceedii hore waxa uu ahaa 6.5, imikana marka hareeraha lagu daro waa 11.3, waxana aanu rajaynaynaa inay Insha’Allah mustaqbalka ay inoo soo bixi doonto wado aynu ku raysano.” Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirku waxa uu intaa ku daray in 12-ka KM ee haataan la soo geba-gabeeyay ay u furan yihiin inay istcimaalaan gaadiidleyda jidka adeegsaneysa.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan dhammaystirka wadada Berbera Corridor, shaqo-wanaagga iyo isku duubnida ay muujiyeen,
“Wasaaradda Jidadka iyo Gaadiidka aad baan ugu mahadnaqayaa, waanan boogaadinayaa, wadadan (Berbera Corridor) iyo taa Ceerigaabo oo laba waddo oo muhiim ah bay gacanta ku hayaan, dadaal badan iyo shaqadii oo ay barteen iyo isla qabsi baa ka muuqda.” Ayuu yiri Madaxweyne Biixi.
Muuse Biixi Cabdi ayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo shirkadaha kale ee ku lugta leh dhismaha wadada Berbera Corridor ku adkeeyay inay hawsha culus ee hortaala sii laba laabaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com












