Muqdisho (Halqaran.com) – Laba Isbaheysi oo ay ku midoobeen qaar ka mid ah Xisbiyada KMG ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa Maxkamadda Sare u gudbiyay dacwad ka dhan ah qaabka lagu soo dooranayao Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa 28-kii bishii December ee sanadkii hore meel-mariyay Xildhibaannada Golaha Shacabka, iyadoona uu horaantii sanadkan saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xisbiyada Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Ururada Bulshada Rayidka qaarkood ayaa Axaddii shalay Maxkamadda Sare Dalka u gudbiyay ashtakooda ka dhanka ah Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Dhinacyadan ayaa waxay diid madooda ku saleeyeen in Sharciga Doorashooyinka Qaranka uu hareer marsan yahay qodobo ka mid ah Dastuurka Dalka.
Gudoomiyaha Dallada Hiigsi iyo Xisbiga NDP ahna Xildhibaanad ka tirsan Golaha Shacabka, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa ka mid ah Xildhibaanada sida weyn uga biyo diidan Sharcigan.
“Anaga oo laba Dalladood oo waaweyn oo Xisbiyada ah iyo ururo badan oo Bulshada Rayidka ah waxaanu geynay Maxkamadda Sare Qaran, dacwad aanu kaga dhannahay noocii doorasho ee berrigii dhaweyto la ansixiyay” ayay tiri Xildhibaanad Fowsiya.
Mar ay la hadleysay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayay tiri “Gudoomiyaha Baarlamaanka aad buu u dadaalay, wuxuu doonayay in laga gaarsiiyo si aanay doorashada dib uga dhicin, laakiin guddi loo saaray baa waxay la yimaadeen doorasho nooc kala ah oo aad uga duwan tii lagu soo heshiiyay 2017-kii iyo 2018-kii, ay Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ku soo heshiiyeen, isla-markaa ay Golaha Wasiirada soo ansixiyeen, isla-markaa akhristii 1aad marinay, guddigaa waxay soo saareen doorasho kale oo Yurub laga galoo la yiraahdo HORAYN iyo 4.5 oo la is dhex dhigay, oo ah Xisbi baa keenaya qofkan laakiin qabiilkii horey u lahaa kursiga ayaa leh. Anaga waxaan diidnay dadka Soomaaliyeed ee dulmane-yaasha ee loo diiday Baarlamaanka oo xaq u yeesheen, Dastuurkana siiyay xaqaa in loo diiday hadana markii 3aad. 2012-kii waa laga soo gudbay, 2016-kii baala yiri 2020, hadana 2020-kii baa la leeyahay 4.5 baa lagu noqonaya, taanu diidanahay waa taas.”
Sidoo kale, waxay tiri Xildhibaannada “Barakacayaasha oo aanu heli karin kursigoodu waxaa la yiri waxaa la geynaya deegaan, deegaan ma taggi karaan, Banaadir xuquuqdeedii waa maqan tahay, haweenka xuquuqdoodii waa maqan tahay, waxaa kaloo xuquuqdooda maqan yihiin dadka aan taggi karin gobolada ama Shabaab ha haysto ama Somaliland haka yimaadaanee.”.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





