Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa rusqadii duulimaadka ay ku iman lahaayeen Soomaaliya kala noqotay diyaaradaha laba shirkadood oo ka diiwaangashan dalka Kenya.
Labadan diyaaradood oo lagu kala magacaabo Buff AIR SERVICES iyo Silverstone Air Services ayaa si sharci darro ah qaad ku soo geliyay Soomaaliya iyo inay ku xadgudbeen xayiraaddii ay soo rogtay dawladda ee dhinaca duulimaadka cudurka COVID-19 awgeed.
Diyaaradahan ayaa shixnado qaad ah ka kala dejiyay magaalooyinka Buuhoodle iyo Jowhar, iyagoo hawada Soomaaliya kusoo galay inay waddaan gargaar daawo ah.
Dawladda Kenya iyo shirkadaha la mamnuucay duulimaadka ayaan weli ka hadlin tallaabadan ay qaaday Dowladda Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





