Garoowe (Halqaran.com) – Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ku-simaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Dowladda Federaalka ah Duraan Axmed Faarax iyo Wefdi uu hoggaaminayo.
Kulankan oo ahaa mid isbarasho ah ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya iyo Hay’adaha kala duwan ee Maamulka Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Dowladda Federaalka ah Duraan Axmed Faarax oo shalay gaaray Magaalada Garoowe ayaa u jeedka safarkiisa waxaa uu yahay sidii lagu caawin lahaa dadka uu saameeyay Ayaxa ku habsaday degaano ka tirsan Puntland.
Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland Marwo Hodan Saciid, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid iyo Madaxda Mashruuca Baxnaano ee Heer Federaal iyo heer Puntland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





