Sunday, May 31, 2026
28.5 C
Mogadishu

5 ruux oo loo qabtay qoyskii lagu laayay Degmada Warsheekh

Sh/Dhexe (Halqaran.com) – Ciidamo ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal ka sameeyay deegaanno hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dil Hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay, loogu geystay duleedka degmadaasi.

Howlgalkaan ayaa waxaa horkacayay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan, Taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha ee maamulka Hirshabeelle Ismaaciil Xaadoole, Saraakiil ka tirsan qeybta 27-aad iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Warsheekh,

Ciidamada ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen 5 Ruux oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii foosha xumaa oo xilli habeen ah degaanka Xaluule loogu geystay Hooyo umul aheyd iyo laba Carruur ah oo ay dhashay.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan ayaa balan ku qaaday in qof walbo oo falkaan ku lug lahaa sharciga lala tiigsan doono.

Bishan gudaheeda, waxaa degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha dhexe ka dhacay dilal fool xun oo la xiriira aanooyin qabiil oo sanadihii la soo dhaafay ka taagan deegaannada hoostaga degmooyinka Warsheekh iyo Cadale. maamulka gobolka shabeellaha dhexe ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...