Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa furay Shirka Maamul daadejinta Puntland oo ay ka qayb galeen wasaaradaha fuliya adeegyada iyo hawlaha lagu dardargelinayo gaarsiinta adeeg bixinta degmooyinka Puntland.
Shirkan ayaa looga hadlay Ku wareejinta waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe qaar ka mid ah degmooyinka Puntland.
Sidoo kale, ku wareejinta maamulidda xarumaha caafimaad qaar ka mid ah degmooyinka Puntland iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo qaabkii Dowladdaha hoose door ugu yeelan lahaayeen Maareynta Biyaha iyo arrimo kale.
Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa faray dhammaan wasaaradaha ku Shaqada leh qorshaan inay dedejiyaan howlaha loo igmaday.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





