Muqdisho (Halqaran.com) – Bannaanbax cabasho ah oo ay dhigeen dad u badan Haween iyo dhallinyaro ayaa Axadda maanta ah ka dhacay dhabarka dambe Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Dadka bannaanbaxa dhigayay ayaa waxa ay ka cabanayeen goobo ganacsi oo ay ku lahaayeen degmada Xamarweyne laga burburiyay.
Qaar ka mid ah banaanbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay Eray ka dhan ah Dowladda, iyaga oo sheegay in goobahooda Ganacsiga oo nolol maalmeedka qoysaskooda ku maareyn jireen si bareer ah loo burburiyay.
Sidoo kale, qaar ka mid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in goobaha laga burburiyay ay kiro ka bixin jireen, dowladduna ay canshuur ka qaado, balse loogu beddalay maanta in goobahoodii ganacsiga laga burburiyo.
Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir, guddoomiyaha degmada Xamarweyne oo ku soo baxay rabshado ka dhashay bannaanbaxa ayaa sheegay in dadka ku ganacsada goobihii la burburiyay ay ka soo cawdeen shacabka degmada Xamarweyne, kaddib markii ay mari waayeen waddada.
Guddoomiyaha degmad Xamarweyne ayaa ugu baaqay ganacsatada waratada ah ee maanta bannaanbaxa sameeyay inay taagaan xarunta maamulka degmada, si ay uga wada hadlaan xalka ugu wanaagsan oo aan aheyn in waddada dhexdeeda aan lagu ganacsan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





