Wednesday, January 21, 2026
25.1 C
Mogadishu

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ‘Karaash’ oo qaabilay wafdi ka socda hay’ado caalami ah

Garoowe (Halqaran.com) – Axmed Cilmi Cismaan Karaash, madaxwyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Global Education Partnership Mr. Morten Sigragade iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa waxaa ku wehelinaayey kulankaasi masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, Madaxa arrimaha Waxbarashada Midawga Yurub ee Soomaaliya, Hay’adda UNICEF, Care International iyo Hay’addo kale.

Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Hay’adda Global Education Partnership ayaa ka wadahadlay tayaynta iyo kor u qaadidda Waxbarashada, taageerada beesha caalamka ee arrimaha Waxbarashada iyo shirka dib u eegista Waxbarashada Puntland.

Sidoo kale, masuuliyiinta hay’addaasi ayaa waxay bogaadiyeen qoondada Dowladdu ugu dartay miisaaniyad sanadeedka 2020 tayaynya Waxbarashada Puntland.

Waxa uu Madaxweyne Ku-xigeenka dhankiisa uga mahadnaqay beesha caalamka taageerada ay ka geystaan Waxbarashada Puntland iyo guud ahaan dalka.

Ugu dambeyn, waftdigan ayaa beri ka qayb gelidoona Shirka dib u eegista Waxbarashada Puntland oo sanadkiiba mar la qabto, kaasi oo ka furmidoona caasimadda Puntland ee Garoowe.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...