Istanbul (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay in ay Dowladda Soomaaliya ka heleen casuumad ay uga qeyb qaadanayaan shidaal baarista Soomaaliya.
Hadalka Madaxweyne Ordogan ayaa yimid sanad uun kaddib markii dalka Turkiga uu heshiis shidaal baaris dhanka badda ah la gaaray dalka Liibiya.
Mr. Erdogan ayaa hadalkan sheegay kaddib markii uu dib uga soo laabtay shir looga hadlayay arrimaha Liibiya oo ka dhacay Berlin.
Turkiga ayaa ah isha kaalmo ee ugu weyn ee taageera Soomaaliya wixii ka dambeeyay abaarihii ku dhuftay dalka sanadkii 2011-kii.
Dowladda Turkiga ayaa wadda dadaallo dhinac walba leh oo ay ku xoojinayso joogitaankeeda Soomaaliya iyada oo loollan xooggan kula jirta dalalka Sucuudiga iyo Imaaraatka.
Dhanka dib u dhiska Soomaaliya ayay Turkiga kaalin mug leh ka galeen iyaga oo dib u dhisay waddooyinka caasimadda Muqdisho, Isbitaal iyo Garoonka dayaaradaha.
Sidoo kale, Turkiga ayaa saldhig milatari oo weyn ka samaystay Muqdisho halkaa oo saraakiisha Turkidu ay tababarro ciidan ku siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dabayaqaadii bishii Diseembar weerar loo adeegsaday qarax ayaa lagu dilay in ka badan 90 qof oo rayid ah oo ay ka mid ahaayeen qandaraaslayaal Turki ah oo ku howlanaa dhismaha waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, iyada oo weerar kaas la mid ahna isla todobaadkan lagu beegsaday qandaraaslayaal kale.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com