Boosaaso (Halqaran.com) – Taliska Booliska Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen inay fashiliyeen qaraxyo miinada nooca dhulka lagu aaso ah oo laga helay mid kamid ah Xaafadaha Boosaaao.
War kasoo baxey Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Booliska Gobalka Bari oo kaashanaya Ciidamada PSF ay Fashiliyeen Qarax Miino oo lagu qarinayey Guri ku yaalla Aaga Masjidka Rashiid Ee Magaalada Boosaaso.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in arrintaan ay ku suurto gashay, kadib howlgal ay Ciidamada sameeyeen markii ay Shacabka ka heleen xog ku saabsan in qaraxa miino lagu aasay wadadaas.
Taliyuhu ma sheegin dad ay ku qabteen howlgalka ay Ciidamada Booliska Gobolka Bari ka sameeyeen mid kamid ah Xaafadaha Gobolka Bari, hayeeshee uu sheegay in dad lagu dhibaateyn rabay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com