Wednesday, May 6, 2026
29.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Ciidamada Booliska gobolka Bari oo fashiliyay qarax miino

Boosaaso (Halqaran.com) – Taliska Booliska Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen inay fashiliyeen qaraxyo miinada nooca dhulka lagu aaso ah oo laga helay mid kamid ah Xaafadaha Boosaaao.

War kasoo baxey Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Booliska Gobalka Bari oo kaashanaya Ciidamada PSF ay Fashiliyeen Qarax Miino oo lagu qarinayey Guri ku yaalla Aaga Masjidka Rashiid Ee Magaalada Boosaaso.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in arrintaan ay ku suurto gashay, kadib howlgal ay Ciidamada sameeyeen markii ay Shacabka ka heleen xog ku saabsan in qaraxa miino lagu aasay wadadaas.

Taliyuhu ma sheegin dad ay ku qabteen howlgalka ay Ciidamada Booliska Gobolka Bari ka sameeyeen mid kamid ah Xaafadaha Gobolka Bari, hayeeshee uu sheegay in dad lagu dhibaateyn rabay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...