Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Danjire Yuusuf Garaad Cumar in uu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u xil-saaray Danjire Yuusuf in uu sii ambaqaado doorka dalkeennu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku saleysan wax-wada qabsi, daris-wanaag, iskaashi iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.
“Waa muhiim in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn doorka dalkeennu uu ku leeyahay Gobolka, arrinkaas oo sanadihii la soo dhaafay aan ka gaarnay guul weyn oo waxtar u ah xasiloonida iyo horumarka mandiqadda.”
Madaxweyne Farmaajo oo tilmaamay xeeldheerida diblumaasiyadeed ee Danjire Yuusuf Garaad oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjirihii hore ee Qaramada Midoobey ee New York ayaa u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus.
Wuxuuna kula dardaarmay in uu sii joogteeyo daacadnimadii iyo hufnaantii lagu yaqaanay inuu ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





